image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Hay’adda Nabadda Sugidda Soomaaliya ee NISA oo Baareysa Dilkii Taliye ‘Bakaal Kooke’

(onkodradio.com) Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Mahad Maxamed Salaad ayaa amar ku bixiyay in hay’addu ay baaritaan buuxa ku samayso dilkii Taliyihii NISA ee Gobolka Gedo Cabdirahmaan Cabdullahi (Bakaal Kooke)

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Bakaal Kooke Taliyihii NISA Gobolka Gedo, waxaan farayaa qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskaan” Mahad Salaad ayaa sidaasi ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Taliye Bakaal Kooke ayaa lagu dilay qarax ka dhacay degmada Luuq, isagoo ku sii jeeday degmada Doolow, waxaana masuuliyadda qaraxan sheegatay maleeshiyad al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubbalaan ayaa maalihii ugu dambeeyay ku jirtay diyaargaroow dagaal ka dhan ah al-Shabaab, kaas oo uu qeyb ka ahaa taliye Bakaal Kooke.

Bakaal Kooke ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa sarkaal si weyn uga soo horjeeday in maamulka Jubbalaan uu ka howlgalo Gobolka Gedo. August 2021 ayaa loo magacaabay taliyaha nabad sugida gobolka Gedo

Xigasho – Halbeeg

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.