image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Doorashada gobollada waqooyi oo maanta lasoo gaba gabeeyay

Muqdisho (Onkod Radio) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada gobollada waqooyi ee Soomaaliland taasoo lagu qabtay xarunta ciidamada booliska ee Jeneraal Kaahiye.

saddex xubnood ee ugu danbeeyay kuraasta gobollada waqooyi ee Soomaaliland, ayaa maanta lagu doortay Muqdisho, xubnahaas oo kala ah.

1-Marwo Samsam Muxumed Cumar oo kusoo baxday kursiga HOP#243.

2-Maxamed Ibraahim Cabdi, oo kusoo baxay kursiga HOP#206.

3-Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, oo kusoo baxay kursiga Hop#259.

xubnahaan ayaa dhammaantood kusoo baxay cod gacan taag ahaa kaasoo ay u wada tanaasuleen kuwii la tartamayay.

Tani ayaa ka dhigan in guddiga SIET ee Somaliland uu dhaqan-galiyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in doorashada lasoo gabagabeeyo, ka hor 25-ka Febraayo.

Dhinaca kale maamul goboleedyada qaar ayaa weli caqabado ay ka taagan yihiin, kuwaas oo la hardamaaya kuraasta deegaan doorashada labaad, waxayna u muuqaataa in wakhti dheeri ah, ay ku darsan doonaan xilligii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Soomaaliya, ayaa marar badan dib u dhac ku yimid jadwallada lasoo saaray ee doorashooyinka, taas oo keentay inay dib usii dhacday doorashada inkabadan 1 Sano.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.