image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaaliya & Mareykanka oo heshiis gaaraya $86.7 Milyan kala saxiixday

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), oo uu weheliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Nuur iyo Danjire Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Heeshiiska ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ay kala saxiideyn ayaa ahaa mid lagu taageerayo dhaqaalaha Soomaaliya, heshiiskaan ayaa ku kacay adduun lacageed oo dhan 86.7 Milyan oo Doolar.

“Heshiiskan ayaa ah mid diiradda saaraya dhinacyada Horumarinta, kaas oo mudnaanta siinaya siinaya: Dimuqraadiyadda, Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka” sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageeridda saaxiibtinimo iyada oo islamarkaasna la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeriddaan hanaankii loogu talagalay, sidoo kalena la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Dowladda Mareynka ayaa 25 September 2022 sheegtay in sanadka soo sacda 2023-ka Soomaaliya laga cafin doona dhammaan daymaha lagu leeyahay oo gaaraya illaa 4.5 Bilyan oo doolar.

Kaddib markii xarunta Safaaradda Mareykana ee Muqdisho ay kulan kuwada yeesheen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.