image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wiil da’yar oo Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay Galmudug

Dhuusamareeb (Onkod Radio) — Cabdullaahi Cali Xuseen (Cali qoodaar) oo ah wiil da’yar oo ay Al- shabaab kasoo Askareeyeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee uu fadhigoodu yahay degaanka Dheghaye.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan saraakiil kala duwan oo lasoo xariiraya, kuwaas oo doonaya inay mar uun kasoo baxaan askarta ay ka barbar dagaallamaan.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay ragga ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibaya, markii ay dagaallo xooggan kala kulmeen Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta maamul goboleedyada iyo dadka shacabka ah.

Deegaano badan oo Mudug iyo Galgaduud waxaa ka soconaya dagaal ka dhan ah Al- Shabaab oo ay iska kaashanayaan kooxaha kacdoonka iyo ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al- Shabaab ayaa culaysyo kala duwan waxa ay ka haysataa deegaano Mudug , Galgaduud iyo Hiiraan oo dadka inta ay is abaabuleen ay bilaabeen in dagaal ay kala hortagaan Al- Shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.