image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Tirada dadka ku dhintay qaraxii saldhigga millateri ee Muqdisho oo korortay

Muqdisho (Onkod Radio) — Millateriga Soomaaliya ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa oo iskuqarxiyay saldhig milateri oo ku yaal magaalada caasimadda ah, ee Muqdisho, uu dilay ugu yaraan 7-ba qof, halka sagaal kalana ay dhaawacmeen.

Qofka isqarxiyay ayaa iska soo dhigay askari kaddibna waxa uu galay saf ay ku jireen dad doonayay inay iska qoraan milateriga, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee saldhigga milateri.

Ururka jihaadiga ah ee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrarkaasi.

Ururkan xiriirka la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa waxa uu wajahayay cadaadis milateri oo maalmihii la soo dhaafay ka haystay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidammo ay dowladda baritaarayso oo ay hawada ka taageerayaan nabad ilaaliyayaasha caalamiga ah, ayaa waxa ay Shabaab dib uga qabsadeen dhul ay muddo haysteen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.