image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay Haweeney ka geysatay falal arxan darro ah Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay soo qabashada haweeney fal argagax leh dhowaan ka geysatay halkaas, kaddib muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex arkayay haweeneydaan oo lagu magacaabo Shukri Cabdullahi Xaashi oo tacaddi xun u geysaneyso gabar yar oo 9 sano jir ah.

Sidoo kale caro xooggan ayaa ka dhalatay muuqaalka la soo duubay haweeney eedeysane ah oo dusha uga fadhido, isla-markaana garaaceyso gabadha yar oo xilligaas ilmeyneysay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in haweeneyda ku eedeysan falkaaas arxan darrada ah, ee carada xooggan ka dhaliyay Baraha Bulshada ay hadda ku xiran tahay xarunta hay’adda dambi baarista CID isagoo sheegay inay baaris ku hayaan.

Sadiiq Doodishe ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan natiijada baaritaankooda iyo ujeeddada ka dambeysa dhacdadaasi.

“Waxaan dhowaan shacabka u soo bandhigi doonaa ujeeddada iyo natiijada ka dhalatay baarista kiiskaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.