image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in lagala wareegay barahoodii Bulshada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa markii labaad shaaciyay in lagala wareegay gacan ku heynta Maamulka Barihii Bulshada ee uu isticmaalayey guddiga, sida Facebook-ga iyo Twitter-ka. Website-ka,

Warqad kasoo baxday guddiga, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle, ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku wargelinayo inta daneyneysa doorashada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in lagala wareegay Barihii Bulshada ee guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn iyo tallaabooyin lagu carqaladeynayo hannaanka geedi socodka doorashada.

“Tallaabada lagula wareegay dhammaan baraha bulshada guddiga waxa ay muujineysaa mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa intaasi kusii daraaya ” Haddaba waxaan caddeyneynaa in wixii lasoo geliyo Barahii Bulshada, inta dib loo soo celinaayo ay yihiin waxba kama jiraan.

Ugu danbeyn Guddiga Doorashada Dadban ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka danbeeya macluumaadka doorashada uu ku soo gudbin doono shirar jaraa’id & wareysiyo toos ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.