image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka Dowladda oo lawareegay deegaanno katirsan Hiiraan iyo Galgaduud

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wada degaano katirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ayaa Maanta la wareegay degaano katirsan labadaasi Gobol oo ay horay ugu sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 8 aad guutada 18aad ee Ciidamada Gor gor kabtan Maxamed Xirsi oo horkacayay howlgalka koowaad ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda oo kashanayo Ciidamada degaanka ay la wareegeen degaanka Booco oo qiyaastii 50km dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Beledweyne, halkaas oo mudda dheer fariiisin u aheyd Al-Shabaab dadkana ay ku dhibaateyn jireen.

Taliya Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Al-Shabaab isaga tageen degaanka kadib markii ay ka warheleen in ay kusoo wajahan yihiin Ciidamada qalabka sida iyo kuwa degaanka oo horay meelo badan kala wareegay.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo lahadlay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Sini-dhaqo oo hoostaga degmada dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug kadib dagaal kooban oo ka dhacay halkaas.

Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgallada ay u socdaan sidii loogu talo galay, Isla markaana Ciidamada qalabka sida ay ka go’an tahay, iyaga oo kaashanaya Shacabkooda in guud ahaan ay dalka ka saaraan Al-Shabaab.

Tan iyo markii Ciidmada dowladda iyo dadka is abaabulay ay howlgallada bilaabeen ayaa waxaa ay kula wareegeen degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolada Hiiraan & Galgaduud, kuwaas oo qaarkood ay aad ugu xooganaayeen Al-Shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.