image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

USA ”$700 milyan ayaan ugu deeqnay Soomaaliya si Abaaraha wax looga qabto”

Muqdisho (Onkod Radio) — Dowladda Mareykanka ayaa bixisay lacag dhan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ee xilligaan kajirta meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Gargaarka ee USAID ayaa waxaa lagu sheegay in ay si degdeg ah u kordhiyeen dadaallada gargaarka si ay u bixiyaan gargaar degdeg ah si wax looga qabto abaarta.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri.

“Dadka Maraykanku waxa ay bixiyeen in ka badan $700 milyan ilaa maanta si ay wax uga qabtaan dhibaatada abaarta ee wax yeelaysa ku dhawaad ​​kala badh dadka Soomaaliya. OCHA iyo USAIDSomalia waxay si degdeg ah u kordhiyeen dadaallada gargaarka si ay u bixiyaan gargaar degdeg ah. Wax badan waa inay ku biiraan dadaalkan”.

Soomaaliya waxaa ka taagan dhibaato ba’an oo ka dhalatay abaaraha ka jira meelo badan oo Soomaaliya ah , waxaana jirta walaac laga qabo xaalada is bedbedalaysa ee ka dhashay abaaraha.

Hay’adaha Gargaarka ayaa dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan , wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha , ka jira gobolo badan oo Soomaaliya ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.