image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo laga diiwaangeliyay Boosaaso

Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu diiwaangeliyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo soo gaartay dad rayid ah mudadii uu socday dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Warbixintan ayaa Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ka dalbaday in ay dowladdu caddeyso cidda leh mas’uuliyadda xadgudubyada ka dhacay Boosaaso.

Xafiisku wuxuu ku baaqay in dadka dhibaatadu gaartay ay helaan magdhow u dhigma dhibta soo gaartay ee nafeed ama hantiyeed. Wuxuuna ka digay Xafiisku in dhinacyadu iska indho tiraan arrintaas.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku howlan xal-u-helidda xiisadda Boosaaso in ay xaqiijiyaan isla markaasna qorshaha ku darsadaan hab walba oo sahli kara in ay dhibanayaashu si deg deg ah u helaan caddaalad.

Dagaal ka dhacay magaalada Boosaaso bishii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ku dhintey dad badan oo rayid ah iyadoo sidoo kale kunanaan ruuxna ku barakaceen.

Xigasho: Jowhar Online

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.