image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyay Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Onkod Radio) — Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug, iyaga oo muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Ajandihiisa waxa uu ahaa wax ka baddel lagu sameeynayay Dastuurka Galmudug, waxaana Xildhibaannada ay cod gacantaag ah ku ansixiyeen in muddo xileedka Madaxweynaha & Xukuumadda uu noqdo muddo 5 sano ah oo ka bilaabaneysa markii la doortay.

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay inay ansixiyeen 56 mudane in muddo xileedka Madaxweynaha oo ahaa Afar Sano laga dhigo muddo 5 sano ah.

Muddo kordhinta Maanta ay Baarlamaanka Galmudug u sameeyeen Madaxweynae Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa socotay muddooyinkii la soo dhaafay, iyada oo siweyn looga dareemayay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle ayaa hore u sameestay muddo korarsi noocaan ah, illaa haddana dowladda Soomaaliya ma caddeynin mowqifkeeda ku aaddan muddo kororsiga madaxda maamullada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.