image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DF iyo maamul goboleedyada oo ka heshiiyay saami qeybsiga $100-ka Milyan

Muqdisho (Onkod Radio) — Sida xog hoose uu ku helay Onkod Radio, dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirayay magaalada Muqdisho ayaa ka heshiiyay khilaafkii ka taagnaa habka loo qeybsanayo $100 milyan oo dollar oo ka timid beesha caalamka, gaar ahaan Bankiga Adduunka.

Sida ay xubno ka qeybgalay shirka u xaqiijiyeen Onkod Radio, dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyay in maamul goboleed kasta la siiyo lacag dhan $4 milyan oo dollar si ay ugu qabsadaan howlaha horyaalla maamullada.

Habka loo qeybiyay lacagtaan ayaa ah mid gebi ahaanba ka duwan sidii markii hore loo qeybin jiray, taasi oo ku saleysneyd markii hore sida ay u kala duwan tahay miisaaniyadda maamul goboleedyada sida uu dhowaan sheegay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxaman Ducaale Beyle.

Heshiiska hadda dhacay wuxuu ka dhigan yahay in maamullada qaar, sida Puntland wax iska baddeleen qeybta ay heli jirtay miisaaniyadda dowladda dhexe siiso maamul goboleedyada, waxayna markii hore Puntland qaadan jirtay miisaaniyad ka badan maamul goboleedyada kale.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka kaga qeybgalayay Aaladda fogaan aragga ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay inuu qaato lacag la mid ah kuwa maamul goboleedyada kale la siinayo oo ah $4 milyan oo dollar.

Wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa dhawaan isku khilaafay qaabka loo qeybinayo lacagtaas, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulan dhawaan Muqdisho ku dhex maray wasaaradda maaliyadda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka oo muddo kooban ahaa ayaa dib loo dhigay qodobo badan oo muhiim ahaa maadaamaa madaxweynaha federaalka uu u safrayo Kenya si uu uga qeybgalo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.