image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muddo kordhinta Madaxwayne Qoorqoor oo maanta miiska saaran.

Muqdisho (Onkod Radio) —  Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Dhuusmareeb kulan ku – yeelanay Barlamaanka maamulka Galmudug .

War ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu sheegay in maanta oo ku beegan 12 September la hor geeyo Golaha si cod loo galiyo qorshaha wax ka beddelka Dastuurka .

Guddi gaar ah oo Barlamaanka Galmudug u xilsaaray dib u eegista qaar ka mid ah qodobbada dastuurka ayaa maanta jeedin doona in shan sano laga dhigo waqtiga ay xilka haynayaan hay’adaha dastuuriga ah.

Talaabadan ayaa loo arkaa mid uu riixayo Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor , si uu muddo kordhin u sameeyso sida uu hore u sameeyay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxwaynaha Galmdug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qorshaynaya inuu wax ka baddel ku sameeyo dastuurka Galmudug, isla-markaana muddo xiledka hay’adaha dastuuriga ah ka dhigo shan sano.

Qorshahan qoorqoor ayaa ah in muddo ah mid huursanaa laakiin si ah waxa uu u shaac baxay tan iyo markii Madaxwaynaha Jubbaland uuu kordhistay muddo hal sanno.

Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Laftagareen ayaa sidaan oo kale muddo xileedka hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ka dhigay shan sano halka Madaxweynaha Jubaland uu waqtigiisa ku darsaday muddo hal sano ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.