image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qarax ka dhacay Baladweyne iyo Khasaaraha ka dhashay

Baladweyne (Onkod Radio) — Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa oo mid xooggan ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako, iyada oo lala beegsaday askar ka tirsan kuwa miino baarista ee ka howlgala garoonka Ugaas Khaliif.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna haleelay gaari ay wateen ciidamadaas oo ah kuwa Boolis ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhaawacmay illaa saddex askari, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee magaaladaas.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darri oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo ay ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan ay howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kooxda Macawiisleyda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.