image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxkamadda Sare ee Kenya oo taageertay guushii William Ruto

Muqdisho (Onkod Radio)— Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa taageertay maanta oo Isniin a natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra;isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo uu ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Tani waa go’aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay madaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya ayaa sheegtay in aysan jirin caddeyn ku aadan in loo dhacay nidaamka doorashada si wax looga baddalo natiijada doorashada.

Waxay sheegtay in guddiga uu faahfaahin ka bixiyay nidaamka lagu baahinayay natiijada doorashada.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Martha Koome ayaa sheegtay in garsoorayaasha maxkamadda aysan helin caddeyn ay ku qancaan oo ku aadan qalabkii teknooloojiyadda ee doorashada ay cilad ku timid gaar ahaan hufnaantiisa iyo isku haleyntiisa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.