image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

UNICEF ”Abaarta ka jirta Soomaaliya halis ayay galisay nolosha caruur badan”

Muqdisho (Onkod Radio)— Xubno ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka wada hadlay xaalada abaaraha ee ka jira dalka.

Shir gaar ah oo labada dhinac ku dhaxmaray magaalada Muqdisho ayay isla eegeen heerka ay gaarsiisan tahay abaaraha ka jira guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed oo shirkan si wadajira ah u soo qaban qaabiyay ayaa isla soo qaaday gurmad la heli karo si loo badbaadiyo dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan caawinaad.

” Soomaaliya waxa ay cagaha kula jiraa xaalad bani’aadanimo oo si isku mid ah u saameysay Dalka oo dhan ” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka .

Si kasta Abaarta ayaa kusoo beegantay iyadoo caalamka uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka, waxaana sabab u ahaa dagaalka ka socda dalka Ukraine, kaasi oo saameeyay qeybo ka mid ah Afrika.

Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012, ilaa 250,000 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay ahaayeen carruur.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.