image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Onkod Radio) — Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ah miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala eegtay mooto Fekon, ah, oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay kuu dhinteen ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa, halka uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah askarta saarneyd mootada la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya, oo sameeyay howlgallo baaritaanno ah, oo ku aaddan qaraxaas miinada ah, balse kama aysan hadlin, haddii ay jiraan inay dad ay u soo qab-qabteen qaraxaas oo geystay khasaare xoog Leh.

Xaaladda deegaanka Sabiid, ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada uu qaraxa ka dhacay muddo kooban hakad ku yimid, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah.

Al-Shabaab, ayaa inta badan weeraro dhabagal ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.