image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Onkod Radio) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaanno dhowr, kuwaas oo hoos taga gobolka, waxaana saraakiisha howlgallada hoggaaminaysay ay sheegeen in ay burburiyeen fariisinno ay lahaayeen Al-shabaab.

Degaannada  ciidanku howlgallada ku gaareen ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa ay horay u joogeen xoogagga Al-shabaab, iyadoo ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga gobolka, Baladul  Amiin, Buulo Cadey,Buulo war muusow,Buulo jamal eenow ayey ciidanku ku gaareen howlgallada ay fuliyeen.

Taliyaha Ururka 64-aad  ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cali Cabdullaahi Halac oo Howlgalka Hogaaminayey ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay burburiyeen, Fariisinno ay lahaayeen Al-shabaab iyo goob u aheyd, waxaana uu sheegay in howlgallada socda ay siiwadi doonaan ciidanka.

Ciidanka xooga dalka ayaa waayihii dambe howlgallo kale duwan oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadeen gobollada dalka, gobolka Shabeellada hoose oo daris la ah caasimadda ayaa ciidanku waxaa ay ka sameeyaan howlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.