image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ethiopia oo ku dhawaaqday howl-gal Millateri oo cusub

Muqdisho (Onkod Radio) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday howl-gal cusub oo dhanka ammaanka ah kadib dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Galbeedka Itoobiya.

Bilowgii toddobaadkan ayaa aheyd markii dadka deegaanka Wellega ee magaalada Gimbi ee galbeedka Oromia ay la kulmeen weerar aan loo meel dayin, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

In ka badan 300 oo meyd ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, waxaana weerarkan lala beegsaday dad Rayid ah.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Oromada ayaa bayaankooda ku eedeeyay ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) inay fuliyeen weerarka.

Kooxda hubeysan ee lagu eedeyay weerarkaan ayaa sanado badan ka howl-galaysay gobolka Oromia, hase yeeshe bayaan ay soo saartay OLA waxay ku beenisay weerarka ayada oo dusha u saartay Gachana Sirna, oo ah maleeshiyo ay dawladdu taageerto.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqay in tallaabo laga qaaday dadkii ku lugta lahaa dhacdadii Wellega, waxayna u muuqataa in dowladda Itoobiya ay go’aansatay in ay qaado howl-gal cusub oo milatari oo ka dhan ah OLA.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.