image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay qorshe loga adkaanayo Ururka Al-Shabaab

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Inta badan degmooyinkii la xoreeyey markii aan madaxweynaha ahaa muddo xileedkii koowaad, mar kale ayey gacanta ka baxeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey wargeyska The Economist. 

Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga. 

Kooxda ayaa hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo. 

Madaxweynaha cusub ayaa ku dhowaaqay inuu damacsan yahay inuu billaabo weerar cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si uu dib ugu riixo baadiyaha. Waxa uu sheegay in markaas kadib kooxdan wada-hadal lala geli karo. 

“Aragtideena waa inaan meesha ka saarno sheekada Al-Shabaab, oo aan shacabka tusnaa in dowladdu ay ilaalineyso caqiiqaddooda. Tan waxay ka dhigan tahay inaan qaadno dagaal laba woji leh,” ayuu yiri. 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.