image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kalluumeysato ku geeriyootay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose

Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin guud ka bixiyay dad kalluumeysato ahaa oo ku dhintay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, kadib dabeylo xoogan oo ka kacay Xeebaha Gobolkaas.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Mamaulka Jubbaland Cabaas Cali ibraahim ayaa sheegay in dabeeylaha kacay ay sababeen inay qalibmaay 11 doomood, isla markaana ay ku dhinteen 5 Ruux oo kalluumeysato ahaa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay dabeylaha sidoo kale burburiyeen Guryo ku yaal Xaafada Calaleey ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo xigay dhinaca Badda, balse aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Maamulka Jubbaland Cabaas Cali ibraahim ayaa uga digay dadka ku nool xeebaha Gobolka  & Kalluumeysatada Gobolka Jubbada Hoose inay Badda galaan, isla markaana ay taxadar ka muujiyaan dabeeylaha socda.

Sanad walba marka la gaaro xilligaan oo kale ayaa waxaa dabeeylo xoogan ay ka billowdaan inta badan Xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana ku dhinta qaar kamid ah kalluumeysatada kuna burbura dooman dhowr ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.