image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Boqor Buurmadow raaligelin ka bixiyay tacadigii ka dhacay magaalada Laas-Caanood

MUQDISHO – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inuu raaligelin ka wado gabood-falladii ay xukuumadda Somaliland u geysatay dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Boqorka oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay odayaal dhaqamadeedka beelaha Muddulood ee Muqdisho, ayaa sheegay in isaga iyo salaadiin kale ay tegi doonaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, si walaalaha degan halkaas ay uga raali geliyaan musaafurintii khasabka aheyd ee loogu geystay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Safarkeyga waxaa ku jirta oo ii qorsheysan oo naga go’an aniga iyo odayaasha kale ee Dir ee ila socday, inaan booqasho ku tagno magaalada Baydhaba, oo aan ka raali gelino walaalihii Laascaanood loogu geystay ciqaab wadareedka,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Maamulka Somaliland ayaa bishii October magaalada Laascaanood ku qabqabtay, kaddibna musaafuriyay dad gaaraya 1000 ruux oo u badan qowmiyada Digil iyo Mirifle. Dadkan oo labatameeyo sano ku noolaa, kana shaqeysanayey Laascaanood ayaa si qasab ah looga  soo kexeeyay guryahooda iyo ganacsiyadooda .

Dadka lasoo musaafuriyey oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ayaa gaaray magaalooyinka Gaalkacyo, Muqdisho iyo Baydhabo.

Boqor Buurmadow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ciqaab wadareedkii ay Somaliland u geysatay dadka laga soo musaafuriyey Laascaanood, iyadoo loo beegsanayo qaab heyb sooc ah.

“Dad walaalo ah oo magaalo degan in lagu sameeyo ciqaab wadareed, oo khasab lagu musaafuriyo, iyagoo aan ka diyaar garoobin oo hantidoodii qaadan, inaan taas ka raali gelino ayaan Baydhaba u tegeynaa aniga iyo odayaasha kale ee ila socda,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Buurmadow.

Inkastoo dadka Soomaaliyeed ay cambaareeyeen xadgudubka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Ayaan illaa hadda jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday shakhsiyaadkii geystay tacadiyadan ka dhacay Laascaanood.

WQ: Abdihamid Ahmed Abdi waa suxufi Soomaaliyeed oo ka warama arrimaha xuquuqda aadanaha. Wuxuu ka mid ahaa koox suxufiyiin  ah oo uu tababaray Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo taageero ka helay hay’adda NED.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.