image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu Sheekh Cali Wajiis ka yiri tallaabooyinkii uu qaaday Xasan Sheekh?

Muqdisho (Onkod Radio) — Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay isbaddelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kaddib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Universal.

Sheekh Cali Wajiis, ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in ka Culumo ahaan ay u duceyn doonaan, islamarkaana ay garab istaagi doonaan.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha cusub iyo xilalka uu magacaabay.

Sheekha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay ay yihiin dad u qalma xilalka loo dhiibay, wuxuuna bogaadiyay sida ay ku socoto dhismaha dowladda cusub.

“Dadka uu xilalka hadda u magacaabay waa dad aad kafaa aad sar sare ah oo qof walba majaalkiisa loo xulay waxaan aad ugu diirsanay, una soo dhoweynay shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah oo caanka ah, sida walaalkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la mid ah taliyaha NISA oo mardhow la magacaabay walaalkey Mahad oo nin culus ah,” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu aad ugu ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh, shaqooyinkii uu horey uso qabtay, sida arrimaha deyn cafinta, mushaaraadka iyo dhanka shaqaaleysiinta.

“Afarta sano oo hadda ka hor soo haayay la dhihi karo inuu fariisiyey isagu, ileen waan ognahay nidaamka deyn cafinta isagaa bilaabay, hawada sare isagaa bilaabay oo marka dambe lagu guuleystay, wuxuu billaabay mushaaraadka, shaqaalihii dowladda isagaa ugu dambeeyey gadaashiis shaqaale rasmi ah lama qorin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba Sheekh Cali Wajiis ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo horey u jeediyay hadallo uu ku difaacayay, kaddib marar badan oo uu ka soo muuqday Aaladaha Warbaahinta.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.