image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Cali Jeyte, Dadka Hiiraan uma baahna Saabuun & Baaldi yar oo maran

Muqdisho (Onkod Radio) — Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa digniin u diray qaar kamid ah Hay’adaha samafalka ee Gobolkaas geeya gargaarka ay u qaybinayaan Qoysaska ka barakacay abaarta iyo fatahaadda is xigay ee Wabiga Shabeelle sameeyay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ee xaaladaha adag wajahaya aanay u baahneen Saabuun iyo Caagado maran oo aan nacfi u lahayn balse baddelkooda waxa uu u dalbanay in raashin loogu baddelo.

“Saabuun iyo baaldi yar oo lagu faraxasho uma baahnin, maalin kahor waxa aan tagay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne waxa aan ugu tagay Diyaarad dejineysa bahalo yar yar oo bacbalayaal ah oo waxa ay yihiin aanay gareyn oo haddii saas loo tuujiyo isku qabsoomaya” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

“Waxa aan weydiiyay shirkaddii iska lahayd diyaaradda ee laga soo kireystay, waxa uu ii sheegay in lagu soo ijaartay $7,000 (todobo kun oo dollar), agabka ay sidanaya uu yahay $800 (Siddeed boqol oo dollar), marka diyaarad lagu soo kireynayo $7000 ee lagu soo qaadayo agab ku fadhiya $800, lacagtaas maa shub naloogu dhiso ilaa inta webiga u dhaxeysa taas ayaa anfac lahee, Xamaaligii raraayay ayaa ku dhahay dib ugu celiya diyaaradda” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte waxa uu sheegay in ka maamul ahaan go’aankoodu in uu yahay in ciddii waxtarta reer Hiiraan loo mahadceliyo isla markaana waxa ay dhiibto wax ku darsadaan shacabka gobolkaas si ay ugu daboolaan sida ay u kala badan tahay baahiyaha taagan.

Deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan waxaa saameyn taban ku reebay Ayax baabi’iyay Dhul baaxad weyn oo naqii saarnaa dhulka dhigay, fatahaad uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa barakiciyay boqolaal qoys halka ay ugu darantay abaar dadka iyo duunyada saameysay.

Mustaqbal Media

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.