BAYDHABO — Wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo ka tirsanaa warbaahinta Arlaadi Media Network, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib dhaawac culus oo ka soo gaaray dagaalladii magaalada ka dhacay 3-dii Sebtembar 2026.
Bashiir wuxuu ka mid ahaa dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay iska horimaadkii hubeysnaa ee Baydhabo. Sida ay sheegeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo ilo ka tirsan bahda warbaahinta, wariyaha ayaa rasaas lagu dhuftay xilli ay magaalada ka socdeen dagaallo.
Dhaawaciisa ayaa lagu daweynayay Isbitaalka Bay Regional Hospital, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad ay maalmo ahayd mid aad u daran.
Warbixin uu Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed soo saaray 4-tii Sebtembar ayaa lagu sheegay in Bashiir uu qabay dhaawac culus, isla markaana qalliin degdeg ah lagu sameeyay. Xog laga helay asxaabtiisa ayaa tilmaamaysay in rasaastu laba jeer kaga dhacday dhabarka, iyadoo dhaawacu gaaray qaybta caloosha.
Sida ay sheegtay Arlaadi Media, waxaa la qorsheeyay in Bashiir loo qaado Muqdisho si halkaas loogu sii daweeyo, hase yeeshee wuxuu geeriyooday ka hor inta aan la qaadin.
Dagaalladii 3-dii Sebtembar ka dhacay Baydhabo ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray shacabka magaalada.
Iska horimaadka ayaa dhexmaray ciidamo taageersanaa dhinacyada siyaasadeed ee isku haya maamulka Koonfur Galbeed. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageerayay dhinaca hoggaanka Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, halka dhinaca kale ay jireen ciidamo daacad u ahaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

