Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyay munaasabadda qalin-jabinta saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo si guul leh u soo dhammaystay tababarkooda ciidan ee magaalada Muqdisho.
Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweynaha ayaa kormeeray Gaardiska Sharafta, wuxuuna daawaday dhoollatus ciidan oo ay soo bandhigeen saraakiisha qalin-jabisay. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay anshaxooda, xirfaddooda, iyo dadaalkii ay muujiyeen muddadii ay tababarka ku jireen.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso xoojinta tayada, awoodda, iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

