Baydhabo, Soomaaliya – Barakacayaasha deggan Kaamka Beledul-Amiin ee magaalada Baydhabo oo markoodii horeba ahaa dad ay soo barakcisay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Bay, ayaa hadda wajahaya xaalado bani’aadanimo.

Mohamed Muktar Sheikh Ahmed Sheikh Ibrahim oo ah aabe leh xaas iyo caruur, kuna sugan kaamka Beledul Amiin 3 ee magaalada Baydhabo ayaa ka warbixiyay xaaladaha adag ay hadda wajahayaan.
Muktar ayaa markiisii hore ka soo qaxay tuulada Baanow ee hoostagta gobolka Bay, isagoo ahaa nin lahaa beer iyo xoolo uu dhaqdo, balse abaarihii ku dhuftay darteed, beerihiina ka ba’een, xoolihiina uga le’deen, taasina ay sababtay in uu u soo qaxo magaalada Baydhabo.

“Beerteyda ayaan tabcan jiray, xoolaha ayaana raacan jirnay subixii, galabkiina caanaha xoolaha ayaan shaaha ku caddeysan jirnay oo nolol naga maqneyd ma jirin.” Mohamed Muktar Sheikh Ahmed Sheikh Ibrahim, isagoo intaa ku daray in abaartu ay xoolihiina ka baab’isay, beerihiina iskaba daa.
Abaarta ka sokow, barakacayaashu waxa ay sheegeen in abaarta ka sokow, ay dhibaato ba’an ku hayeen kooxaha ka talinaya tuuladaas, taasoo ay ugu darneyd markii xitaa loo diiday goobihii isu imaatinka ay lagu subcin jiray, hooyooyinkiina loo diiday inay xusas dhigtaan.
Balse, markii ay yimideen magaalada Baydhabo, xaaladdu noloshu waa sii adkaatay, shaqo la’aan, caruurta oo aan heysan goobo waxbarasho, hooy xumo, daryeel xumo caafimaad.
“Waxaan raadiyay in aad dhismo ka shaqeeyo, markii aan tegay goobtii shaqaalaha isugu imanayeen, qof walba waxa uu watay kii ehelka ugu dhowaa, oo shaqadiina waxa ay noqotay qaraabo kiil.” ayuu yiri, Mohamed Muktaar.
Tani waxa ay ku kaliftay in Mohamed iyo kuwa la midka ah ay awoodi waayaan in maareeyaan nolosha qoysaskooda.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF ayaa barakacayaashu sheegeen inay u dhistay shan musqulood, balse iyagiina ay buuxsameen, oo marku roobku yimaado, ay bulaacaddu banaanka u soo duseyso, taasoo ay ku sheegeen inay caafimaad xumo keeni keeneyso.

Caruurta kaamka ayaa la daalaa dhacaya cuduro ay ka mid yihiin Malaariyo, mana heli awoodaan in ay u helaan caafimaad. Caruurta ayaa waxa u sii dheer waxbarasho la’aan, taasoo keentay in qaar ka mid ah caruurta Kaamka ku nool ay noqdaan derbi jiifyo iyo kuwo isticmaala walxaha maanka dooriya.
Ugu yaraan lix milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa maalmo la’aan ku maqan cunno ku filan, kooxaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa ka digay maanta (15 May), iyagoo muujinaya in ku dhawaad laba milyan oo ka mid ah tiradan ay yihiin carruur yar yar “ halis sare ugu jira jirro ama dhimasho.
“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya aad ayay uga sii xawli badan tahay sidii aan markii hore la saadaalinay oo aan filaynay,” ayuu yiri George Conway, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee gargaarka Soomaaliya.
“Carruurtu waxay bixinayaan qiimaha ugu sarreeya. Ku dhawaad laba milyan oo carruur ah ayaa nafaqo-darro ba’an haysa, taasoo la macno ah inay si khatar ah nafaqo-darro iyo jidh ahaan u daciifeen, taasoo keenaysa khatar sare oo jirro ama dhimasho,” Conway ayaa carabka ku adkeeyay.
“Ku dhawaad nus milyan ayaa ay hayso nafaqo-xumo aad u ba’an oo u baahan daweyn degdeg ah si ay u noolaadaan”, ayuu ku daray sarkaalka bani’aadamnimada.

Dhanka kale, Cabdi Ali Abdirahman oo isna ah barakace deggan kaamka Daarul Amiin 3 ayaa sheegay in ay soo barakicisay abaar iyo qaajo, oo xoolahooda iyo beerahoodii ay ka baabi’isay abaar, ayna hadda ku nool yihiin duruufo adag.
Duruufaha ka sokow, waxa ay sheegeen in markii hay’aduhu diiwaangeliyeen, keliya todobo qof ay kaalmo helaan, inta Kalena aysan helin.
Ugu dambeyntii, Barakacayaasha ayaa ka codsaday hay’adaha gargaarka inay la soo gaaraan gar gaar bani’aadanimo sida raashin, maro kaneeco, bacyaal ay roobka ka dugaashadaan, waxbarasho in loo siiyo caruurtooda iyo mid caafimaad.

