image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxkamada ICJ oo si rasmi ah u shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo xukunka Kiiska Badda Soomaaliya iyo Kenya

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa lagu shaaciyay waqtiga rasmiga ah oo go’aanka kama dambeysta ay ka soo saari doonaan dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Dowladaba Soomaaliya iyo Kenya.

“Go’aanka kama dambeysa ah ee Maxkamada ICJ ka gaari doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa lagu dhawaaqi doonaa 12-ka October 2021-ka, 3:00-da galabnimo xilliga Hague.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Xilliga lagu soo beegay ku dhawaaqista kiiska dacwada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah sanadguurada 67aad ee maalinta calanka Soomaaliyeed.

Maxkamaddu waxay go’aamin doontaa cidda leh xuquuq inka badan 100,000sq km saddex -xagal oo biyo ah oo la rumeysan yahay inay hayaan kaydad hydrocarbon qiimo leh.

Kenya ayaa si lama filaan ah uga baxday kiiska iyadoo dhegeysigu bilaabmay bartamihii bishii Maarso, iyada oo ku eedaysay maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay eexasho kadib markii ICJ ay diiday codsigeedii ahaa in dib loo dhigo. Kenya ayaa ku doodday in Midowga Afrika ay dacwadda gacanta ku hayaan.

Soomaaliya ayaa iska diiday cadaadis kaga yimid Kenya oo ku aadanaa in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka badda.

Go’aanka kama dambaysta ah ee dacwaddu wuxuu qaadan karaa sannado ka dib marka racfaan laga qaato.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.