image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Midowga Yurub oo war culus ka soo saaray kadib wadahadal ay la yeesheen Xasan Sheekh

Muqdisho (Onkod Radio ) – Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa khadka taleefonka kala hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka.

Borrel oo madaxweyne Xasan ugu hambalyeeyey guushiisa iyo soo geba-gebeynta doorashadii Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay inay Soomaaliya la billowdo waa cusub oo wada-shaqeyn ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog ku saabsan qorshaha madaxweynaha iyo muhiimadihiisa koowaad ee arrimaha uu wax ka qabanayo.

Borrel ayaa ku celiyey ballan-qaadka Midowga Yurub ee ah inay taageerto Soomaalia, kana saaciddo isbeddelo wanaagsan oo lagu sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan hanaanka ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda iyo wax ka qabashada xasaradaha bani’aadaminimo ee dalka ka jira.

Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Borrell ayaa waxaa ka mid ah kaalinta dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyo baahida loo qabo in dib loo billaabo wada-hadalladii farsamo ee ku aadan amniga Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.