image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Halka uu degayo Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyay xil wareejinta

Muqdisho (Onkod Radio ) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya, waxaa ka socota munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddi gaar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii baddelay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.