image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomay Liiska Murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi

Muqdisho, September 21, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland), Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay soo gudbinta Liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland guul taariikhi ah oo laga gaaray dib-u-dhacyadii ku yimid, waxuna xusay in si deg-deg ah loo guda geli doonno doorashadooda.

Eng. Rooble ayaa sheegay in doorashooyinka Aqalka sare ee BFS ay ku socdaan si habsami leh, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu garab siiyo dhammaan dhinacyada ku howllan doorashada sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon oo ku qabsoonta xiligii lagu heshiiyey.

Liiska kuraasta Aqalka Sare ku matalaya Gobollada Waqooyi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa ku tartamaya 24-murashax oo isugu jira rag iyo dumar. Iyadoo doorka Ra’iisul Wasaaruhu uu yahay hubinta liiska loo soo gudbiyay, sida ku cad war-murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 22kii Agoosto 2021.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.