image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

500 oo qof oo Haraad iyo Gaajo ugu geeriyooday Baardheere

Muqdisho (Onkod Radio) – Xaaladda abaareed ee haatan ka jirta Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, iyada oo dhimasho fara badan laga soo warinayo deegaanada qaar ee ay sida daran u saameysay abaarta ka jirta gudaha dalka.

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, oo warbixin siinayay ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha oo booqday degmadaasi ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee ka jira halkaasi.

Warbixinta kasoo baxday maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanadoodii oo ay sameeysay abaarta.

Mas’uul u hadlay maamulka ayaa xaqiijiyey inay Baardheere ku geeriyoodeen in ka badan 500 oo qof, kuwaas oo isugu jiro carruur iyo waayeel.

“Waxaa magaaladaan ku dhintay oo saameynta abaarta u geeriyooday dad ka badan 500 oo qof oo u badan carruur iyo dad waayeel ah,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoysaska haatan soo maciin biday degmada aysan heysan cunno, biyo iyo wax kasta oo uu u baahan yahay bani’aadamka.

‘Waxa walbo oo dadka bani’aadamka ah ay u baahnaayeen dadkaan ma heestaan hoy haddii ay tahay, caafimaad, cunno iyo daryeel nooc kasta ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu maamulka degmada Baardheere ku baaqay in gurmad deg-degga ah laga soo gaaro qoysaskaasi, si loo bad-baadiyo noloshooda.

“Meeshaan abaarta waxay ku reebtay saameyn xoogan, waxaan codsaneynaa in wixii la tari karo dadkaasi la taro,” ayuu markale yiri mas’uulka u hadlay maamulka Baardheere.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar baahsan, taasoo saameysay dadka & duunyada, waxaana haatan socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.