image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

42 xubnood oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Onkod Radio) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay in ka badan 42 kamid ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda federalka soomaaliya  ayaa waxa lagu sheegay in howl-galkan ay iska kaashadeen ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah, ayna ka fuliyeen deegaanka Cadalay ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe.

Dowladda ayaa sheegtay in howl-galkaan uu socday in ka badan 30 saacadood, islamarkaana lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku abaabulayay deegaankaasi.

“27 kamid ah maleeshiyaadkaas oo la laayay waxaa xalay lagu dilay hal goob, halka 15 kalana maanta lagu dilay goob kale oo ay godad ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka soomaaliya.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cadalay, ayada oo gacanta lagu dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-gal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad, kuwaasi oo lagu laayay boqolaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab oo ka been sheegtay Diinta ee duulaanka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo inay cadaaladda marsiiso kuwa adkaysta inay ka sii mid ahaadaan Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka.

Dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.