image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiyaha haya’adda SoDMA oo ku baaqay tallaabo deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen

Onkod Radio -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Magaalada Moqdisho ka Furay shir u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo Hay’adda aalamiga ah si looga wada hadlo xaaladda abaaraha iyo amni-darrada cuntada dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in la qaato go’aanno degdeg ah oo ku saleysan xog, halkii la diyaarin lahaa qorshayaal guud oo kale, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul loona xoojiyo isku-duwidda dowladda iyo la-hawlgalayaasha.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray meelaha ugu nugul (IPC Phase 4), iyo diyaarinta qorshe jawaab degdeg ah oo leh kharash iyo masuuliyad cad, iyo kaabista dadaallada jira iyadoo laga fogaanayo in dhibaatadu sii korarto.

Ugu danbeyn Guddoomiye Maxamuud Macalin wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah oo degdeg ah u dhaqaaqaan, maadaama go’aannada shirka ay saameyn toos ah ku leeyihiin yareynta saameynta abaaraha iyo badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.